Buuggan magaciisu yahay Milicsiga dagaalkii dhexmaray xukuumaddii
Maxamed Siyaad Barre iyo Jabhaddii SNM. Waxa uu ku saabsanyahay
saamayntii uu dagaalkaasi ku yeeshay dadkii iyo dalkii Jamhuuriyaddii
Soomaalida. Sannadkii 1988kii bishii Mey 27keedii ayaa dagaal aad cuslaa
ka qarxay magaalada Burco. Saddex maalmood ka dibna waxa uu ka bilaabmay
caasimaddii labaad oo ahayd Hargeysa. Dagaalkaasi waxa uu socday muddo
ku siman saddex sannadood, ilaa uu burburay xukunkii kelitaliska ahaa ee
uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre tan iyo 1969kii. Buuggu sharraxaad
kama bixinayo habkii dagaalku u dhacay, dhimashadii, dhaawicii iyo
qaab-dagaalkii guud ahaaneed. laakiin waxa uu diiradda saarayaa sababtii
keentay dagaalka iyo saamayntii uu dad iyo dalba ku yeeshay.